Faah-faahino dheeraad ah ayaa Xiligaan laga helayaa israsaaseen qasaaro geysatay oo barqanimadii maanta ka dhacday isgoyska Xaafada Towqiif ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in israsaaseenta ay dhexmartay Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo ku sugnaa isgoyska xaafada Towqiif ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, warar kalana waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya oo halkaas ku sugnaa.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al-shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda weerarka isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid iyo dil xalay ka dhacay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada warta-nabada sida ay baahisay idaacadda Andalus.
Israsaaseenta maanta ka dhacay isgoyska Xaafada Towqiif ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxaa la xaqiijiyay In ay ku dhinteen 2-askari halka askari kale lagu dhaawacay.

