Wasiiradda Isreal oo Loogu Baaqay inay Yareeyaan Taageerada ay u Muujinayaan Trump

0

Raisul wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu ayaa ugu baaqay wasiirada wadankaas inay yareeyaan taageerada indha la’aanta ah ee ay u muujinayaan Trump.

Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay wasiirada dalka Isreal in ay joojiyaan hadalada xad dhaafka ah ee ay ku taageerayaan guusha hogaamiyaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Hadalka Netanyahu ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii golaha wasiiradu ay aad usoo dhoweeyeen madaxweynaha ladoortay ee Donald Trump ee dalka Maraykanka, waxaana sidoo kale ay sheegeen in guusha Trump ay soo afjari doonto rajadii laga qabay in falastiin ay yeelato dawlad la aqoonsanyahay oo deris la ah dowladda Isreal.

Maraykanka ayaa sanadkasta waxa uu isreal siiyaa lacag gaaraysa $3bn oo Dollar

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here