Isku Soo Bax Roob Doon ahaa oo Maanta ka Dhacay Magaalada Muqdisho +Dhageyso+Sawirro

0

Isku soo bax roob doon ahaa ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya iyadoo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo qaar kamid ah shacabka Muqdisho.

Isku soo baxaan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid alle loogu baryaayay in umadiisa uu ka dulqaato abaarta islamarkaana uu siiyo roob ay ku diirsadaan dadka iyo duunyada oo xiligaan la daaladacaya abaaro iyo kuleylo daran.

Dadkii kasoo qeyb galay Isku soo baxaan oo iskugu jirey Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee Xukuumadda Soomaliya, Culu’maaudiin, macalimiin, ardey waxkabarata dugsiyada Qur’aan iyo qaar kamid ah haweenka ku nool Gobolka Banaadir ayaa labo rakaco oo salaada alle bariga ku tukaday Masaajidka weyn ee isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

Salaada kadib waxaa dadkii kasoo qeyb-galay  isku soo baxa roob doon-ka ahaa la hadlay  Agaasimaha Waaxda diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo diinta Sheekh Cali Maxamuud Sheekh Cali Dheere isagoo ugu digay shacabka muslimiinta ah  in aysan dhihin Salaadii roob doon-ka waa la Tukaday lamana haayo roobkii, islamarkaana roobka marna uu soo daaho, marna uu soo degdego.

Dhanka kale Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaliya C/Risaaq Max’ed Qeyloow ayaa sheegay in ay iska kaashadeen isku soo baxa roob doon ahaa madaxda wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir isagoo ugu mahadceliyay shacabkii kasoo qeyb galay  isku soo baxa qaabkii ay u aqbaleen kasoo qeyb galka.

Ugu dambeyntii shacabkii kasoo qeyb galay Isku soo baxa roob doon-ka ayaa idaacadda waxa ay weydiisay sida ay u arkaan kasoo qeyb galka salaadka roobdoon-ka iyo sida loogu gurman karo shacabka Soomaliyeed ee abaarta ay ku hayso Gobolada dalka.

roob1-1024x682 roob2-1024x682 roob3-1024x682 roob4 roob5-1024x682

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here