9-nin oo muwaadiniin Soomaliyeed ah ayaa maxkamad lagu soo taagay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka kuwaas oo lagu cadeeyay in ay qorshaynayeen ku biiritaanka Ururka Daacish ee dalka Siiriya.
Ragaan oo dawcwadoodu ay soo socotay in muddo ah ayaa lagu wadaa in maxkamadu ay go’aanka ugu dambeeya ka gaarto usbuucaan.
Waxaana la tilmaamay in ay mutaysan doonaan xukuno kala duwan,dhagaysiga dacwadahooda ayaa dhacaysa maanta oo isniin ah iyo maalmaha Talaadada iyo Arbacada ee usbuucaan.
Xeer ilaaliyaasha ayaa sheegay in eedeysanayaasha dacwadoodu ay soo bilaabatay sanadkii 2014-kii,waxaana 6 kamid ah ay qirteen eedaymaha loo haysto oo ah inay taageero siinayeen waxa reer galbeedku ay ugu yeeraan argagixisada,waxaana laga yaabaa in lagu rido 15 sano oo xabsi ah, sedexda kale ayaa waxaa suurto gal ah in lagu rido xabsi daa’in.
FBI-da maraykanka ayaa sheegtay in tobanaan qof ay ka tageen gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka si ay ugu biiraan Ururka Daacish ee ka dagaalama dalka Siiriya ee bariga dhexe.

