Safiirka Turkiga u fadhiya Dalka Soomaaliya, Danjire Olgan Bekar oo la hadlay warbaahinta ayaa si diiran usoo dhaweeyay sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka Soomaliya sanadkaan ka dhacaya.
Danjire Olgan Bekar ayaa tilmaamay in ka dowlad ahaan ay garab taagan yihiin dowladda Soomaliya iyo shacabkeeda Soomaliyeed islamarkaana ay bixin doonaan waxyaalaha fududeyn kara doorashada Soomaliya ka dhacaysa.
Danjiraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay doorashooyinka haatan ka socda Soomaaliya, kuwo bidhaaminaya mustaqbalka in loo sii gudbo doorasho Qof iyo cod ah, taasoo ah horumar talu tallaabsaday.
Mar uu ka hadlayay Safiirka Turkiga u fadhiya Dalka Soomaaliya, Danjire Olgan Bekar deeqaha kala duwan ee Soomaaliya kaga yimmaadda walaalahooda Turkiga ku sheegay inay tahay wax soo billoowday Siddeetamayeeyadii, isagoo intaa raaciayay inay Dowladdiisu tan iyo waqtigaasi ka war qabtay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, balse ay raadinayeen fursad lagu garab istaagi karo.
Dowladda Turky-ga ayaa lagu tilmaamay dowladaha faraglinta ku haya Soomaliya dhawaan Safiirka Turkiga u fadhiya Dalka Soomaaliya, Danjire Olgan Bekar ayaa sheegay in ay jiraan dowlado kale oo fagalinta cad ku haya doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

