
Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa dib u soo cusbooneysiiyay xayiraada hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eratieria iyagoo sheegay in Al shabaab oo xiriir la leh al qaacida kacabsi qabaan in gacanta uu u galo hubkaasi waxaana ay sii kordhiyeen xayiraada dhanka hubka ee soomaaliya iyo Erateria.
10-ka dalka ee kamid-ka ah 15-ka Xubnood ee Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa muddo kordhintaasi sameeyay halka 5-ta kalena ay ka aamuseen.
“Cunuqabateynta ayaa ka hortageysa in Xarakada Al shabaab hub ay helaan” sidaasi waxaa yiri mattew Rycroft oo ah safiirka boqortooyada britian ka hor inta aan lagu dhawaaqin go’aanka sida wadajirka ah loo soo saaray.
Waxaa golaha ka maqnaa dowlada shiinaha oo kamid ah dowladaha loo tixgeliyo codka Veto-ga.
Ku-xigeenka safiirka qaramada midoobay ee dalka shiinaha ayaa isna dhankiisa sheegay in cuna qabateyntaan ay an yarey Karin wada shaqeynta ka dhaxeysa labadan dal ee kuyaala gobalka waxaana uu intaa kudaray in lala xisaabtami doono golaha isbadalkan sameeyay ee dib loogu eegay cuna qabateynta dhanka hubka ee ilaa imika saaran dalalka Somaliya iyo Eriteriya.
