Wenger:- Xulka Chile Waxaan Ugu Digayaa in ay Qatar Galiyaan Xidiga Alexis Sanchez

0

Arsene Wenger ayaa uga digay Chile inay gaaraan go’aan ismiidaamin ah oo keeni kara in Alexis Sanchez uu garoomada ka maqnaado muddo seddex bilood ah.

Macalinka kooxda Arsenal Wenger ayaa shaaca ka qaaday in loo sheegay in Alexis Sanchez uu dhaawac ka soo gaaray muruqa bowdada halkii hore loo sheegay inay tahay dhibaato ka soo gaartay kubka intii uu xulka la joogay.

Kooxda Arsenal ayaa booqan doonta kooxda Manchester United ciyaar dhacaysa 19-ka bishaan waxaa soo baxaya walaacyo ku aadan dhaawacyo soo gaaray xidigaha kooxaha Manchester United iyo Arsenal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here