Howlgalka La Dagaalanka Burcad Badeedda Somaalida oo lagu kordhiyay Muddo 12 bilood ah

0
Fighters with the Movement for the Emancipation of the Niger Delta (MEND), pictured in 2008. The rebel group claimed responsibility for the kidnapping.

Dalalka xubnaha ka ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan aan horay loo sii shaacin ka yeeshay Xaaladda Somaliya gaar ahaan la dagaallanka Burcad Badeedda Somalida ee xeebaha Gacanka Cadmeed.

Dalalka xubnaha ka ah waxa ay isku raaceen in Dowladaha ku jira Golaha ammaanka iyo kuwo kaleba ay Dowladda Somaliya kala shaqeeyaan la dagaallanka Burcad badeedda Somalida ah, oo weeraro ku qaada maraakiibta shiishiiye iskastoo ay hoos u dhaceen weeraradii ay qaadi jireen mudooyinkii dambe.

Warka laga soo saaray kulanka  ay yeesheen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa lagu sheegay in dhamaan howlgallada ka socda Xeebaha dalka Soomaaliya ee lagula dagaallamayo Buracd Badeedda iyo Burcadda hubeysan ee Biyaha ku jira loogu kordhiyay muddo 12 bilood ah.

Sidoo kale in war ay soo saareen  Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa lagu sheegay in lacagaha la siiyo Buracd badeedda ay qeyb ka tahay musuq iyo dambi,islamarkaana aan la qaadan Karin,waxaana sidoo kale lagu sheegay in Burcad badeedda ay qeyb ka tahay amni darrada Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here