
Dalalka xubnaha ka ah Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan aan horay loo sii shaacin ka yeeshay Xaaladda Somaliya gaar ahaan la dagaallanka Burcad Badeedda Somalida ee xeebaha Gacanka Cadmeed.
Dalalka xubnaha ka ah waxa ay isku raaceen in Dowladaha ku jira Golaha ammaanka iyo kuwo kaleba ay Dowladda Somaliya kala shaqeeyaan la dagaallanka Burcad badeedda Somalida ah, oo weeraro ku qaada maraakiibta shiishiiye iskastoo ay hoos u dhaceen weeraradii ay qaadi jireen mudooyinkii dambe.
Warka laga soo saaray kulanka ay yeesheen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dhamaan howlgallada ka socda Xeebaha dalka Soomaaliya ee lagula dagaallamayo Buracd Badeedda iyo Burcadda hubeysan ee Biyaha ku jira loogu kordhiyay muddo 12 bilood ah.
Sidoo kale in war ay soo saareen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in lacagaha la siiyo Buracd badeedda ay qeyb ka tahay musuq iyo dambi,islamarkaana aan la qaadan Karin,waxaana sidoo kale lagu sheegay in Burcad badeedda ay qeyb ka tahay amni darrada Somaliya.
