Kooxaha Daacish iyo Al-qaacida oo Soo Dhaweeyay Guusha Donald Trump ( Sababta Ogow)

0

Warar  siyaabooyin kala duwan ay maanta u soo saareen  kooxaha daacish iyo Al-qaacida ayaa waxa ay arin guul ku tilmaameen in mareykanka uu xukumo  Donald  Trump.

War ka soo baxay kooxda daacish ayaa waxa lagu baahiyay in guusha Donald  Trump ay bur bur u horseedi doonto dalweynaha mareykanka.

Sarkaal u hadlay kooxda ISIS ayaa madaxweynaha cusub ee wadanka mareykanka Donald  Trump  Ku tilmaamay dameer xil loo dhiibay, waxa uuna sidoo kale sarkaalkan sheegay in Donald  Trump uu gacantiisa ku burburidoono wadanka mareykanka arintana ay u sahleyso ISIS in mareykanka ay awood ku yeelato.

Daacish ayaa waxa ay sheegtay in mareykanka haatan uu badan doono cadowgiisa islamarkaana sababta ay  soo dhaweynayaan Donald  Trump ay tahay in uu yahay nin gacantiisa ku burburindoono dalka madada dheer dhisnaa ee islaamka laga soo weeraro ee mareykanka.

Dhinaca kale war ay soo saareen kooxda Al-qaacida ayaa  sheegtay in Donald  Trump uu uu kooxaha jihaadiiistyaasha u sahlayo in hal codow ay yeesheen cadowgaasna uu isaga yahay.

Kooxda Al-qaacida ayaa waxa ay sheegtay in madaxweynaha cusub ee wadanka mareykanka uu sahlidoono in dad badan ay ku soo biiraan dhankooda.

Abu Muhammad al-Maqdisi oo kamid ah hogaamiyayaasha ururka al qaacida  ayaa yiri  Donald  Trump  waa “dameer” kuwa oo ka digay in doorashadiisa “ay calaamad u tahay dhammaadka wakhtiga boqortooyadii Maraykanka”. Sida waxaa qoray Washington Post

Kooxda daacish ayaa ka dagaalanta meelo badan oo dunida kamid ah waxana fadhigeeda ugu weyn uu yahay wadamada siiriya iyo ciraaq.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here