Dhageyso:-Dad loo Xiray Dilalki Ugu Danbeeyay ee ka Dhacay Magaalada B/weyne

0

Taliyaha  Saldhiga  Ciidanka booliska  magaalada baladweyne ee gobolka Hiiraan Cali Dhuux  Cabdi (Mahad alle)  oo la hadlay idaacadda simba ayaa waxa uu sheegay in howlgalo laga sameeyay  magaalada lagu soo qabqabtay dad badan oo lagu tuhmayo in ay ka danbeeyeen dilal maalmihi la soo dhaafay ka dhacayay magaalada B/weyne.

Taliyaha ayaa waxa uu tilmaamay  in howlgalada ay kas ii socondoonaan magaalada islamarkaana ciidamada ay heegan u yihiin xaqiijinta amniga magaalada.

Taliyaha  Saldhiga  Ciidanka booliska  magaalada baladweyne ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in wada shaqeyn wanaagsan la leyihiin dadka kunool xaafadaha kala duwam ee magaalada baladweyne ee gobolka hiiraan.

Taliyaha waxa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo tirade rasmiga ah ee dadka la soo qabqabtay balse Cali dhuux ayaa sheegay in dad badan ay hayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here