Hay’adda Laanqeerta Cas oo Ku Baaqday in Shacabka Gaalkacyo Loo Ogalaado in ay ka Baxsadaan Dagaalka

0

Ururka Caalamiga ah ee laanqeerta Cas (ICRC) ayaa kacodsaday qeybaha dagaalka uu ka dhaxeeyo ee kasoconaya magaalada Gaalkacayo in ay dhamaantood qaadaan taloobooyin lagaga hortagayo in shacabka ay waxyeelo soo gaarto si xitaa ugu yaraan loo helo daryeel caafimaad iyo waxyaabaha fududeenayo Daaweyntooda.

“Waa muhiim in shacabka colaadu qabsatay ee ka kooban Qoysas, Hooyooyin iyo caruur in loo ogalaado si nabad galyo leh in ay kaga baxaan aaga dagaal-‘shacabka iyo shaqaalaha caafimaadka kuma lug lahan colaada iyo dagaalka waana in aan la bartilmaameedsan” Sidaasi waxaa dhahay Jordi Raich Curco oo ah madaxa hay’ada ICRC u qaabilsan Soomaliya’

Todobaadkii hore ayeey ICRC xustay in 60,000 oo qof ay barakaceen iyaga oo xaalad dag dag ah ku sugan waxaana soo wajahday cuni yari iyo Biyo la’aan baahsan.

Maalinimadii Isniinti Hay’adda Laan qeerta Cas ayaa ku deeqday isla markaana u qeybisay  dadka dhibaatooyinka la kulmay oo gaarayay ilaa iyo 140 qof oo ku dhaawacmay dagaaladii ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalgacayo Qalab caafimaad oo lagu Dabiibo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here