Labo kamid ah burcad badeeed Soomaaliyeed ayaa lagu xukumay xabsi daa’in halka shaqsi saddexaad lagu riday 33 sano oo xabsi ah oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal burcad badeednimo oo kale.
Qaaliga Dagmo ku taalo Gobalka Virginia oo lagu magacaabo Raymond Jackson ayaa soo saaray maalinimadii Isniinta xukun xabsi daa’in ah kadib markii maxkamada federalka ee Gobolka Virginia ay codsatay in maxkamad la soo taago dhalinyaradaasi.
Sanadkii ugu dambeeyay maxkamada Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa si qalad ah xabsi daa’in ugu riday 5 nin oo lala soo xiriiriyay falal burcad badeednimo.
Sanadkii 2010-kii Burcad badeeda soomaalida ayaa weeraray markab dagaal oo mareynka laga leeyahay oo ku socdaalayay gacanka cadmeed halkaa oo ciidamadii markabka saarnaa ay dileen mid kamid ahaa burcadaasi halka intii kale la qabtay.
Sharci aan dastuuri aheyn oo mareykanka daabacday ayaa qoraya in burcadbadeeda lagu riday xabsi daa’in.
Qaar kamid ah congress dalkaasi ayaa ah kuwo aan ku raacsaneen Xeerkan maxkamada ku soo afmeertay burcad badeeda oo ay ku riday xabsi daa’in.

