Degmada Qandala Ee Gobolka Bari oo ay hadda gacanta ku hayaan dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Daacish Ee Soomaaliya ayaa wararka Maantoo Talaado ah ka imaanay waxaa ay kusoo waramayaan in halkaasi ay gaareen tiro askar ah iyo Saanad Milatari oo ay wataan.
Maleeshiyaadkan ka tirsan daacish ee Maanta Gaaray Degmada Qandala ayaa la xaqiijiyey inay ka yimaadeen qeybo ka mid ah fariisimaha ay ku leeyihiin gobolka Bari gaar ahaan Buuraleyda Galgala oo ay ku leedahay Kooxda Daacish taliskooda ugu weyn ee Soomaaliya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidanka ka tirsan daacish ee gaaray Maanta Degmada Qandala ay Magaalada kasoo galeen jihooyin kala duwan,waxaana dadka deegaanku ay u sheegeen Idaacadda Simba in ay arkayeen tiro ka tirsan askarta Daacish,hub iyo gaadiid dagaal oo wateen kuwaasi oo Magaalada ku dhax-lugeynaya.
Bartamihii Bishii lasoo dhaafay ee October ayey markii Magaalad Qadiimiga ah ee Qandala oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland ay gacanta u gashay Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Daacish unugeeda Soomaaliya ee saldhigyada ku leh Buuraha Gal-gala ee gobolkaasi Bari,waxaana magaalada ka barkacay inta badan dadkii ku noolaa Magaalada kuwaas oo hadda xaalado nolol xumo ay ku haystaan duleedyada degmadaasi.
Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland iyo mraakiib shisheeye oo ku sugan xeebaha degmadaasi ayaa dhawr jeer duqeeyey degmadaasi taasi oo aan waxba ka baddalin qabsashada Daacish,waxaana Madaxweynaha Puntland uu sheegay in Maamulkiisu uu muddo kooban kusoo afjarayo Kooxda Dacish ee qabsatay Qandala.

