Denjire Mechel Keating oo Magaalada Garoowe kula  Kulmay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Puntland

0

Wakiilka Xog hayaha guud Ee QM u qaabilsan ariamaha Soomaaliya Mechel Keating oo gaaray Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ee Puntland aya magaaladaasi Maanta kula kulmaya gudiga doorashooyinka dadban ee heer maamul goboleed ee Puntland.

Mr Keating ayaa gudiga doorshooyinka Puntland kala hadlaya caqabadha ka horyimid ee ay kala kulmeen arimaha xulista xubnaha labada ee dalka,isagoona warbixin guud oo ku saabsan geeddi socodk arimh doorashooyink ka dhageystay gudiga doorashooyinka.

Kulanka oo wali ka socda magaalada Garoowe ayaa la filayaa in lagasoo saaro qodobo ku saabsan wax ay kawad hadleen labada dhinac.

Maamulka Puntland ayaa waxaa heer gabagabo ah u maraya xulist xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka soo socda u matalay deegaanada Puntland,iyadoona intii ay socotay xulista xubnahaasi ay qaylo dhaan xooggani kasoo yeeraysay Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda beelaha daga deegaanada Puntland oo iyagu ku eedeeynayey gudiga doorshooyinka in ay sameeyeen wax is daba-marin

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here