Kumanaan Tahriibayaal ah oo Laga soo Badbaadiyey badda u dhaxeysa Dalal Liibiya iyo Italy

0
In un'immagine diffusa dalla Marina Militare il 23 febbraio 2016, un momento delle operazioni di soccorso messe in atto dalla Nave Cigala Fulgosi che, intervenuta in soccorso a tre natanti, ha recuperato un totale di 407 migranti tra cui 4 cadaveri, 23 febbraio 2016. Sono 731 i migranti soccorsi complessivamente oggi dalle navi della Marina Militare durante il pattugliamento dello Stretto di Sicilia nell?ambito dell?Operazione Mare Sicuro. ANSA/ US MARINA MILITARE +++ ANSA PROVIDES ACCESS TO THIS HANDOUT PHOTO TO BE USED SOLELY TO ILLUSTRATE NEWS REPORTING OR COMMENTARY ON THE FACTS OR EVENTS DEPICTED IN THIS IMAGE; NO ARCHIVING; NO LICENSING +++

Saacidihii aynu soo dhaafnay kumanaan Tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyey badda u dhaxeysa Liibiya iyo Italy ayaa  si  nabad ah waxa ay ku gaareen Dekedda magaalladda Augusta ee Jesiirdda Sicilia ee dalka Talyaaniga.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyey Badda Mediterranean Sea, iyagoo ku safray dooni aan ammaan ahayn, maraakiib laga leeyahay dalalka Talyaaniga iyo Spain ayaa la sheegay inay soo daad-gureeyeen Tahriibayaashaasi, iyagoo ugu dambeyntii geeyey Jesiiradda Sicilia.

Hay’adda muhaajiriinta Qaramada Midoobay ayaa todobaadkaan sheegtay in koox muhaajiriin ah oo ay ku jiraan 20 duymar ah iyo 6 caruur ah ay dooni yar ka raaceen xeebaha Libya Arbacadii, balse ay doonidaasi saacaddo kadib badda kula dagtay.

Hay’adda IOM ayaa sidoo kale  sheegtay in 4-kun 220 qof ay sannadkan badda Mediterranean-ka ee u dhaxaysa dalalka Talyaaniga iyo Libiya ay  ku dhinteen, iyadoo sannadkii horena ay isla baddaasi ku dhinteen 3777 qof.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here