Beesha Caalamka iyo Madaxda Soomaalida oo Lagu Eedeeyay inaysan Raalli Ka ahayn in Soomaaliya ay Dhisanto

0

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Federaalka Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey Beesha Caalamka iyo Madaxda Soomaalida inaysan raalli ka ahayn in Soomaaliya ay dhisanto.

“Waxaa jira Labo qodob ay soomaliya caga-heeda isugu taagi la’dahay midi waa Beesha caalamka oo aan dooneenin in Soomaliya ay dagto, midina waa hogaamiyayaasha Soomalida oo  aan go’aan qaadan Karin”, ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo kamid baarlamanka Soomaliya  ayaa ku sifeeyay hogaamiyayaasha Soomalida kuwa jecel xilka iyo lacagta islamarkaana inta ay taasi jirto aysan Soomaliya ka dhalan doonin dowlad awood badan oo hanata dalkooda oo dhan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here