Sirdoonka dowladda Mareykanka ayaa ka digay weeraro ay damacsan yihiin Urur weynaha Al-Qaacida inay ka geysataan gudaha dalka Mareykanka, maalin ka hor xilliga ay dhaceyso doorashada guud ee Mareykanka.
Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganeysa Saraakiil sirdoon ayaa sheegtay in lagu wargeliyay Gobollada New York, Texas iyo Verginia inay galaan feejignaan la xiriirta weeraro argagixiso oo ay qaadaan Ururka Al-Qaacida.
Lama sheegin meel gaar ah oo weerarada lagu qaadi doono, oo ku yaala dalka Mareykanka hase ahaatee Sirdoonka Mareykanka ayaa ku wargeliyay halista weeraradaas Ciidamada la dagaalanka Argagixisada.
Dhawaan Magaalooyinka dalka Mareykanka waxaa ka bilaaban doona doorashada guud ee dalkaas oo sanadkaan ay ku tartami doonaan Musharixiinta kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump.

