Weeraro Laga Cabsi Qabo in ay ka Dhacaan Dalka Mareykanka Maalin ka hor Xilliga ay Dhaceyso Doorashada  

0

Sirdoonka dowladda Mareykanka ayaa ka digay weeraro ay damacsan yihiin Urur weynaha Al-Qaacida inay ka geysataan gudaha dalka  Mareykanka, maalin ka hor xilliga ay dhaceyso doorashada  guud ee Mareykanka.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganeysa Saraakiil sirdoon ayaa sheegtay in lagu wargeliyay Gobollada New York, Texas iyo Verginia inay galaan feejignaan la xiriirta weeraro argagixiso oo ay qaadaan Ururka Al-Qaacida.

Lama sheegin meel gaar ah oo weerarada lagu qaadi doono,  oo ku yaala dalka Mareykanka hase ahaatee Sirdoonka Mareykanka ayaa ku wargeliyay halista weeraradaas Ciidamada la dagaalanka Argagixisada.

Dhawaan  Magaalooyinka dalka Mareykanka waxaa ka bilaaban doona doorashada guud ee dalkaas oo sanadkaan ay ku tartami doonaan Musharixiinta kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here