Dhageyso:- Ciidamada Kenya oo Wato Baldoosaro iyo Maleeshiyaad Hubeysan oo Isku Hordhafiya Balad-Xaawo

0

Wararka ka imaaanaya degmada b/xaawo ee gobolka gedo ayaa ku waramaya in maanta xiisad ay ka jirto qeybo kamid ah gudaha degmada b/xaawo ee gobolka gedo.

Nabadoon idirs aadan nuur  oo kamid ah Waxagardka ku nool degmada ayaa idaacadda simba ee magaalada muqdisho u sheegay in ciidamo ka tirsan dowlada Kenya islamarkaana wato gadiidka wax burburiyo ay gudaha u soo galeen degmada iyagoo doonaya in meelo kamid ah degmada ay bur burin ku sameeyeen si Kenya ay u hir geliso darbiga ay dooneyso in ay dhisto.

Nabadoonaka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay  in xadka ay ka soo gudubtay dowlada Kenya islamarkana ay ciidamada Kenya saakay soo galeen xaafado katirsan degamda b/xaawo.

Dhinac kale nabadoonka ayaa waxa uu tilmaamay in dhalinyaro is abaabushay islamarkaana beelo kala duwan ka soo jeedo ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamada Kenya ee doonayay saakay in ay  burburiyaan xaafado ka tirsan degmada b/xaawo ee gobolka gedo.

Waxaa  degmada balad-xaawo maanta gaaray wafdi uu hogaaminayay wasiirka amniga maamulka jubaland  waxana la sheegay in wasiirka uu doonayay in dhalinyaro hub u qaadatay cidamada Kenya uu qanciyo balse waxaa jiro warar sheegaya in dhalinyarada hubeysan ay diideen wada hadal uu u soo jeediyay wasiirka amniga jubaland.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan dib u bilowday dhismaha derbi ay sheegtay in ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here