Shariif Xasan oo Xildhibaanada Maamulkiisa kala hadlay Sida Taageero ay ugu Muujin karaan

0

Madaxweynaya Maamulka  k/galbeed  shariif xasan shiikh aadan ayaa maanta magaalada baydhabo kula kulmay Xildhibaanada koonfurgalbeed  isagoona kala hadlay arimo badan oo la sheegay in ay ka mid yihiin in xildhibaanada uu  ka codsaday in ay ku taageeraan in musharaxnimadiis uu doonayo in uu ku shaaciyo in doorashada madaxtinimo uu ka qeyb qadanayo.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen xildhibaano badan ayaa waxaa sidoo  kale loga hadlay deeganada ay isaga baxeen dhawaan ciidamada itoobiya iyo sida maamulka koonfurgalbeed uu u yeelan lahaa awood ciidan.

Shariif xasan ayaa sida wararka hoose ee la helayo waxa ay tilmaamayaan in uu doonayo in uu isku soo sharxo u tartamida qabashada kursiga madaxtinimada soomaaliya.

Madaxweynaya ayaa la sheegay in xildhibaanada uu ku dhiiri gelinayay sida ay u taageeri karaan in qof ka soo jeedo deeganada koonfurgalbeed uu isku soo taagi karo in uu kamid noqon karo musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada maamulka koonfurgalbeed.

Shariif xasan ayaa dhinaca kale xildhinaada kala hadlayay arimo quseeyo kulamo dhawaan wadanka isutaga imaaraadka carabta uu kula soo qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada imaaraadka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jiro soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here