Dhageyso:- Amisom oo lagu Eedeyay in Caqabad ay ku Tahay Doorahsooyinka Dalka ka dhacayo

0

Xili dhawaan ciidamada amisom gaar ahan kuwa itoobiya ay isaga baxeen qeybo kamid ah gobolada wadanka soomaaliya, waxaa dhinaca kale dowlada Burundi ay iyaduna sheegtay in ay suuragal tahay in ciidamadeeda ay kala baxdo wadankas oomaaliya.

Gudiga Arimaha Dibada Barlamanka Soomaliya ayaa sheegay in Amisom ay caqabad ay ku tahay Doorashada dalka ka dhaceyso sanadkaan 2016.

Gudomiyaha gudiga arimaha dibada barlamanka somaliya  Maxamed  cumar dalxa oo wareysi gar ah siIyay idaacadda Simba ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidanka amisom in ay keentay in cabsi ay ku abuurmato dadka ka qebgalaya doorashada dadban ee dalka ka dhaceyso 2016.

Xildhibaanka ayaa Tilmaamay in Ciidamada Amisom looga Fadhiyey in ay ka qeybka qaataan adkeynta Amaanka Goobalaha Lagu Qabanayo Doorashooyinka hasa yeeshee Ciidamada Ay Xilgaan u Muuqdaan in ay dowlada soomaaliya iyo ka qebgalayaasha doorashada dalka ka dhaceyso  In ay ku cabsi geliyaan in ay  ka bixidoonaan goobaha ay kaga sugan yihiin dalka.

Xilibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in dhibaatada ugu weyn ee hada heysato dalka ay tahay beesha caalamka iyo qaramada midoobay oo uu ku eedeyay insane dooneyn in soomaaliya ay lahaato ciidan awood badan taas badelkeedana waxa uu tusalae ugu dhigay in soomaaliya hatan sanado badan lagu hayo cunaqabateyn xaga hubka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here