Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), ayaa sheegtay in ay laba jibbaareyso lacagaha gargaarka cadaanka ah ee lagu taageerayo qaxootiga aduunka oo dhan marka la gaaro sannadka 2020-ka.
Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Filippo Grandi ayaa ku sheegay war qoraal ah in sanadihii la soo dhaafay gargaarka lacagaha caddaanka ah ee la siiyo Dadka Qaxootiga uu saameen wanaagsan ku yeeshay nolosha qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga iyo kuwa dalka horey u joogay.
Waxa uu sheegay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Filippo Grandi in marka la siiyo qaxootiga lacagta caddaan ah, waxay ku iibsan karaan waxa ay u baahan yihiin iyo sidoo kale go’aan uga gaari karaan sida loo maareeyo miisaaniyadda qoyskooda.

