Warbaahinta Sky News Arabi ayaa goordhaw sheegtay in heshiiskaasi ay wada saxiixeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo ku sugan Magaalada Abuu Dhabi ee isugu tagga imaaraatka Carabta.
Heshiiskaani ayaa la sheegay in ugu horeyn ay ka bilaabaneyso Xabad Joojin rasmi ah oo ay wada sameeyaan madaxweynaha Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed.
Heshiiskaani waxaa Goob joog ka ahaa madax ka kala socota maamul goboleedyada dalka, Dowlada Federaalka iyo Dowladda Imaaraatka Carabta.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa labada dhinac waa Puntland iyo Galmudug ka cod satay in lasoo afjaro colaada dheeraatay ee labada maamul u dhax mareysa G/Mudug, talaabooyinka xigane ay noqon doonto in lakala qaado ciidamada is hor fadhiya si magaalada ay dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay.
Imaaraatka ayaa ugu dambeyn ka tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday, kuwii dhaawacmay, iyo waliba kuwii ka barakacay dagaalkii bartamaha bishii tagtay ee Oktober ku dhexmaray magaalada gaalkacyo maamulada Puntland iyo Galmudug.
Wali ma jiro wax war ah oo kasoo kala baxay maamulada Puntland iyo Galmudug hase yeeshee heshiiskaani ayaa ah mid la hadal haye ayna dabada ka riixeyso dowladda Imaaraatka Carabta maadaama ay taageero iyo siyaasad fur-furan ay ku leedahay Soomaaliya.

