Madaxweynaha dowladda soomaaliya xasan shiikh maxamud ayaa maanta si toos ah u daahfuray wadada wadnaha ee magaalada muqdisho oo mudooyinki la soo dhaafay dayactir uu ku waday maamulka gobolka banadir.
Madaxweynaha oo munaasabad kooban oo lagu daahfurayay wadada ka qeyb galay ayaa sheegay in wadada wadnaha dayactirkeeda uu kaaln weyn ka qaadan karo bilicda magaalada muqdisho.
Madaxweynaha ayaa kaga mahad celiyay dadka gacanta ka geystay dhismaha wadada uu sheegay in waqti badan lagu bixiyay dib u dhiskeeda.
Wadada wadnaha ayaa kamid aheyd wadooyinka sida weyn ugu bur buray dadagaaladi sokeeye ee dalka ka dhacay waxana wadadaan ay marin u tahay degmooyin badan oo ku yaalo gobolka banaadir.

