Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Soomaliya Wasiirada iyo Taliyayaasha amniga dalka ayaa kala hadlay weerarkii Xarakada Shabaab shalay galab ay ku qaadeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladda Soomaliya aysan marnaba u dulqaadan doonin in shabaab ay dharaar cad weerar ku qaadaan ciidamada Soomaliya iyo shacabka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
“Marnaba looma dulqaadan karo in cadowga uu maalin cad weeraro shacabka iyo ciidanka ku sugan degmada Afgooye, Waxaana ku amray in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadii shalay ay shabaab ku weerareen degmadaas, Sidoo kale waxaan faray in la dardargeliyo howlgalka lagula jiro Shabaab”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
Al-shabaab ayaa shalay weerar qorshaysan ku qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyagoo halkaas ku dilay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo Gobolkaas ka arimiya.
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay u suurta gashay in ay la wareegaan xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin saldhiga booliska iyo xarunta maamulka degmada Afgooye oo ku yaala bartamaha degmadaas, suuqa Degmada Afgooye iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya.

