Dowladda Ethopia oo Heshiis kala Dhex Dhigay Maamulada Puntland iyo Galmudug

0

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibada Ethopia ayaa lagu sheegay yaa lagu sheegay in heshiis cusub la kala dhex dhigay maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo isku haysta gacan ku heynta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Heshiiskan  la kala dhex dhigay Labada Maamul ayaa waxaa uu dhigayaa in Puntland iyo Galmudug inay hirgeliyaan xabad joojin , kana fogaadaan ficilo kasta oo xasaasiyad abuuri kara, colaadna kicin kara.

Waxaa heshiiska qeyb ka ah in la joojiyo dhismaha Maxjarka Xoolaha ee Puntland ka hirgelineyso Gaalkacyo, in dib garoonka diyaaradaha ay maamusho Galmudug uu dib u bilaabo howshiisa, in la abuuro Guddi heer wasiir oo labada dhinac ah, kuwaasoo wada hadalada ka sii ambaqaadaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay goob joog ka yihiin Hoggaamiyeyaasha qaran ee Madasha wada-tashiga Qaran.

Maamulada Puntland iyo Galmudug oo siyaabooyin kala duwan ugu hadlay arintaan ayaa wada beeniyay in ay jiraan heshiiyo dhex maray labada maamul oo ku aadan in la xaliyo colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Bishii December ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay heshiis kala dhex dhigtay Maamulada Puntland iyo Galmudug, balse bishaan gudaheeda ayuu burburay heshiiska kadib markii Ciidamo Mareykan ah oo ay la socdeen Ciidamada PIS-ta Puntland  weerar  cirka ah ay ku qaadeen Ciidamo ka Trsan Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here