Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet oo la Hadlay idaacadda Simba ee magaalada muqdisho ayaa Faah-fahin ka bixiyay dagaalkii galabnimadii Maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha.
Wareysiga Sidaan ayuu u dhacay
- B) AMISOM maxaad kala socotaan dagaalka Al-Shabaab ay kusoo qaadeen Degmada Af-gooye iyo sidoo kale wararka sheegaya in ay la wareegeen magaaladaasi.
- T) Waa Been wararka sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen Magaalada Af-gooye balse waxaan kuu xaqiijinayaa in ay weerar kusoo qaadeen duleedka magaaladaasi gaar ahaan deegaanka Mareerey,
Ciidamada Dowladda ayey kula dagaalameen duleedka Mareerey weyna iska caabiyeen qasaarane halkaasi ayey ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Arimaha la xiriiro ciidamada AMISOM ee aynu u dirnay Degmada Af-gooye waa arimo ciidan taasine kuuma faah-faahin karo.
- B) Warbaahinta taageerta Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ciidamada Al-Shabaab ay la wareegeen Magaalada Af-gooye kadib dagaal saacad iyo bar qaatay, taasi ma runbaa?
- T) Xaqiiq ma ahan taasi oo dagaalka ma socon saacad iyo 40-daqiiqo mana awoodaan in qadarkaasi ay Al-Shabaab nala dagaalamaan, Ciidamada AMISOM-ne waxa ay mar waliba diyaar u yihiin la dagaalanka Al-Shabaab, mana awoodaan in ay nalaga wareegaan Af-gooye.
- B) Waxeynu maqalnay in Ciidamada AMISOM ay ciidamo dheeraad ah u direen Degmada Af-gooye taasine xaqiiqdeeda maxey tahay?
- T) Maya Ciidamo dheeraad ah uma dirin balse waxeynu xoojinay ciidamadeena ka akdhaw.
- B) Su’aasha ugu dambeysa hadii aan ku weydiiyo, waa sidee xiligaani xaaladda Af-gooye?
- T) Xaaladda Hadda wey degen tahay mana jiro wax dheeraad ah oo ka jiro.
- B) Aad baad u Mahad san tahay.
- T) Sidoo kale adigaa Mudan.

