Akhriso:-Mas’uuliyiin Koonfur Galbeed iyo Dowladda ka Tirsanaa oo Ku Dhintay Dagaalkii Afgooye

0

Mas’uuliyiin ka Tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ee Gobolka Shabeelaha Hoose  iyo dowladda Soomaliya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii galabta ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolkaas.

Gaashaanle Dhexe Axmed C/qaadir Gorod oo kamid ahaa Saraakiisha booliska Soomaliyeed  ayaa la xaqiijiyay in uu dagaalka ku dhintay  halka Maxamed Daahir Qooley oo ahaa Isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose  ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya isna la xaqiijiyay in uu ku dhintay  weerarkii ugu horeeyay ay fuliyeen dagalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here