Mas’uuliyiin ka Tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo dowladda Soomaliya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii galabta ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolkaas.
Gaashaanle Dhexe Axmed C/qaadir Gorod oo kamid ahaa Saraakiisha booliska Soomaliyeed ayaa la xaqiijiyay in uu dagaalka ku dhintay halka Maxamed Daahir Qooley oo ahaa Isku Duwihii Maaliyada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya isna la xaqiijiyay in uu ku dhintay weerarkii ugu horeeyay ay fuliyeen dagalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

