Taliska Amisom oo Beeniyay in Ciidamada Al-shabaab ay La Wareegeen Degmada Afgooye

0

Wararka caawa naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in xaalada degmadaas ay dagan tahay islamarkaana  uu dagaalka qaboobay kaliyah la maqlaayo rasaas ay isweedaarsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom iyo Al-shabaab oo degmada weerar ku qaaday.

Dagaalka ayaa  bilowday kadib markii dagaalyahanada Xarakada  Al-shabaab  ay qarxiyeen buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ah meel u dhow saldhig Ciidamada Brundi ay ku leeyihin Gudaha degamadaas qaraxa ayayna u adeegsadeen Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay u suurta gashay in ay la wareegaan xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin saldhiga booliska iyo xarunta maamulka degmada Afgooye oo ku yaala bartamaha degmadaas, suuqa Degmada Afgooye iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Dhanka kale Afhayeenka ciidamada AMISOM Joe Kibet oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Ciidamada Xarakada Al-shabaab ay la wareegeen qeybo kamid ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uu sheegay  iney ka war hayaan dagaalka lagu qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayna halkaas u direen Ciidamo dheeraad ah oo u gurmanaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada.

Wararkii ugu dambeeyay kala Soco Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here