Warbaahinta reer galbeedka gaar ahaan kuwa mareykanka sida wargeyska Washington Post iyo kuwa Ingiriiska gaar ahaan Wargeyska The Guardian ayaa qoraya in dalalka reer galbeedka ay Itoobiya uga digayaan caburinta ay ku heyso dadkeeda, markii dhowaan ay soo rogtay xaalad deg deg ah.
Wasaarrada Arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo John Kirby oo warbaahinta la hadley ayaa uga digay dowladda Itoobiya in ay caburiso dadka dibax baxaya, taasoo uu xusay inay sii xumeyn karto xaalada dalkaas ka taagan.
Reer galbeedku waxa ay yiraahdeen xukunka deg dega ah ee dawlada Itoobiya ay soo rogtey waxa uu yahay habka ay isticmaalaan dawladaha keligood taliyeyaasha ah Itoobiyana waxa ay doonaysaa ay tahay in ay ku caburiyaan kacdoon wadayaasha kasoo horjeeda dawlada.
Muuqaalo ay baahiyeen warbaahinta caalamka ayaa muujinayey in Kacdoon wadayaasha ay laf dhabarta ka jebinayaan dhaqaalaha dawlada Itoobiya iyagoo weeraraya gubayana warshadaha iyo meelaha kale muhiimka ah ee dawlada dhaqaalaha ay kasoo galaan waxaana xaalada Itoobiya ay u muuqataa mid si xun u sii kala bur bureysa naceyb aad u xuna uu ka dhex bilowdey qowmiyadaha Oromada,Amxaarada iyo Tigrega taasoo god madow kusii rideysa aayaha Itoobiya.

