Waxaa saakay xaalad degenaasho laga dareemayaa deegaanka godinlabe ee gobolka galgaduud.
Wararka saakay aynu heleyno godinlabe ayaa ku waramaya in wax xabada saakay deegaanka aan laga maqleyn.
Deegaanka Godinlabe waxaa shaley ku dagaalamay ciidamo kala taabacsan Maamulka galmudug iyo Ahlusuna waljameeca.
Dagaalka ka dhacya shaley ayaa sababay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxana deegaanka waqti kooban shaley gacanta ku hayay ciidamada ahlusuna balse waxaa gelinki danbe ee shaley la wareegay ciidamo uu horkacayay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen guuleed.
Ciidamada shaley ku dagaalamay deegaanka Godinlabe ayaa saakay waxa ay isku horfadhiyaan deegaano ku dhow Godinlabe.

