Guddiga Hergalinta doorashooyinka dadban ee Heer Federaal oo maanta shir Saxaafadeed ku qabtay Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa soo bandhigay Magacyada 6,528 Ergo oo soo dooran doona Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Nafiso Santuuk oo ah Codka Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga warfaafinta doorashooyinka dadban oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Magacyada ergada Maanta lasoo bandhigay ay kamid yihiin 1,425 Ergo oo soo dooran doona guud ahaan 275 Xildhibaan Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.
“Guddiga Hergalinta doorashooyinka dadban ee Heer Federaal waxa uu shaaca ka qaadayaa in maalintii shalay oo Taariikhda ay ku beegneed 10-october waaa maalintii lagu balansanaa in 135- odey dhaqameedyada ay soo gudbiyaan Magacyada ergadii dooran laheyd 275-ta Golaha shacabka kadib markii ay la tashadaan nabadoonada jufoooyinkooda, waxa uu Guddiga Hergalinta doorashooyinka dadban ee Heer Federaal uu idinla wadagayaa in ergada oo tiradeeda guud ay tahay 1,425, waxaana la hayaa Magacyada 6,528 Ergo oo soo dooran doona Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna guddiga hambalayo u dirayaa Madax dhaqameedyada Maamulada Koofur Galbeed Soomaliya iyo Jubba-land oo si wanaagsan usoo gudbiyay liiska”, ayay tiri Nafiso Santuuk oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga warfaafinta doorashooyinka dadban .
Sidoo kale Guddiga Hergalinta doorashooyinka dadban ee Heer Federaal ayaa ka codsatay Madax dhaqameedyada in ay liiska Magacyada in ay kusoo Gudbiyeen Muddo ku cayiman 2-Maalmood.
Hadaba Halkaan Ka Daalaco Tirada Dowlad Gobaleed kasta uu u soo gudbiyay Guddiga.
Ergada Jubbaland 42 Kursi,
Ergada Koofur Galbeed 57 kursi,
Ergada Galmudug 12 Kursi,
Ergada Puntland 6 Kursi,
Ergada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe 11 Kursi,
Maalinta Barito ayaa la bilaabi doonaa diiwaangalinta Musharixiinta u tartami doonota Kuraastaasi, Waxaana Gudiga ka dalbaday Odayaasha dhaqanka iyo maamullada ay Ergooyinkooda ku dhimanyihiin in ay sida ugu dhaqsiimaha badan kusoo dhameystiraan.

