Xeer Ilaalinta Maxamada Sare ee Maamulka Puntland ayaa maanta loo Gudbiyay Dacwad loo Haysto 45 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shabaabkii lagu qabtay dagaaladii ka Dhacay Suuj iyo Garmaal bishii March ee sanadkaan 2016-ka kuwaa horay ay Xukuno Ugu Riday Maxkamada Ciidamada Qalbka sida ee Puntiland.
Tirada guud ee lagu Qabtay Hawlgalkii ay Sameeyeen Ciidamada Puntland kadib Dagaaladii Ka Dhacay Deegaanada Suuj iyo Garmaal ayaa aheyd 97 Qofood kuwaasi oo Qayb Ka aAAh Tiro askar ah oo Weerar Ku qaaday deeganada Puntland .
Bishii aynu soo dhaafnay ee August iyo Bishii June 18-keeda, 2016, ayay aheyd markii Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ay dil toogasho ku xukuntay 43 dhalinyaro oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolada Nugaal iyo Mudug.
Wasaaradda Cadaalada Maamulka Puntland ayaa Guddi u Xilsaartay Xaqiijinta Da’da ay jiraan dhalinyaro ka Tirsaneed al-shabaab ee lagu qabtay dagaladii ka dhacay xeebaha deeganada Maamulkaas Bishii March ee Sanadkaan 2016-kii kadib eedeen kaga timid ha’addaha u dooda xaquuqda caruurta.

