Dacwad Loo Heysto Dhalinyaro ka Tirsanaa Shabaab oo Loo Gudbiyay Xeer Ilaalinta Maxamada Sare ee Puntland

0

Xeer Ilaalinta Maxamada  Sare   ee  Maamulka Puntland ayaa maanta loo  Gudbiyay Dacwad loo Haysto   45  dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shabaabkii lagu qabtay dagaaladii   ka Dhacay    Suuj  iyo Garmaal  bishii March ee sanadkaan 2016-ka kuwaa   horay ay Xukuno Ugu Riday  Maxkamada  Ciidamada  Qalbka sida  ee Puntiland.

Tirada  guud   ee  lagu    Qabtay  Hawlgalkii ay Sameeyeen  Ciidamada   Puntland kadib   Dagaaladii     Ka Dhacay   Deegaanada  Suuj iyo Garmaal  ayaa   aheyd   97  Qofood     kuwaasi  oo Qayb Ka aAAh  Tiro askar  ah  oo    Weerar Ku qaaday   deeganada  Puntland .

Bishii aynu soo dhaafnay ee August iyo Bishii June 18-keeda, 2016, ayay aheyd markii Maxkamada Ciidamada qalabka  sida ee Maamulka Puntland ay dil toogasho ku xukuntay 43 dhalinyaro oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolada  Nugaal iyo Mudug.

Wasaaradda Cadaalada Maamulka Puntland ayaa Guddi u Xilsaartay Xaqiijinta Da’da  ay jiraan dhalinyaro ka Tirsaneed al-shabaab ee lagu qabtay dagaladii ka dhacay xeebaha deeganada Maamulkaas Bishii March ee Sanadkaan 2016-kii kadib eedeen kaga timid ha’addaha u dooda xaquuqda caruurta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here