Xidiga qadka Dhexe ee kooxda Macnchester United Juan Mata ayaa si cad u xaqiijiyay in uusan jirin qilaaf xiligaan ka dhaxeeya isaga iyo Jose Mourinho.
Juan Mata ayaa booskiisa shaki la galiyay kadib markii uu koxda Manchester United uu qabtay Jose Mourinho oo horey ugu soo wada dagaaleen kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee Chelsea oo xiligaas uu hogaaminayay Macalin Jose.
28-sano jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Spain ayaa aaminsan in uusan jirin xiligaan dagaal ka dhaxeeya isaga iyo Macalinkiisa.
“Xiriirka naga dhexeeya aniga iyo Jose Morinho marnaba ma xumaanin ayuu MAta Yiri ka Hor kulanka Stoke City.

