Turkiga oo Sheegay in Ciidamo ay Usoo Dirayaan Soomaaliya Si ay u Tababaraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

0

Turkiga ayaa isku diyaarinaya in la furo oo ay ciidamada ugu horeeya ee ka baxa xuduudihiisa uu usoo diro Soomaaliya kuwaa oo gaaraya 200 oo ciidan.

Turkiga ayaa sheegay in saldhigyada ciidamadiisa ay ka sameynayaan Soomaaliya ay ka gacan siineyso Dowladda Qatar oo iyane dooneyso in ay ka qeyb qaadato tababarka ciidamada Soomaaliya si ay mustaqbalka dhaw ay u awoodaan xoojinta amaanka dalka.

warkaani ayaa lagu sheegay in ciidamada Turkiga uu u qorsheeyey in ay tababarkaani siiyaan in ay gaarayaan 10,500 kuwaasi oo ay ugu tala galeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay awood ugu yeeshaan guud ahaan dalka in ay sugaan amaankiisa.

Kor uqaadista amaanka iyo dib usoo celinta rajada ciidamada ayuu turkiga sheegay in ay ka shaqeynayaan isla markaana howshaani ay ogyihiin Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobe sida ay sheegeen.

Ugu dambeyn Turkiga ayaa sheegay in talaabada Xigta Howshaani ay noqon doonto in ciidamada Dowladda ay ka caawiyaan Marxalada Iyo Caqabadaha Ciidan oo ay sheegeen in ay ku jiraan qalabeen wax waliba oo ka maqan ciidamada Soomaaliya isla markaana ay ku wajihi karaan Waxa ay ugu yeereen arga gixisada.

Turkiga iyo Qatar ayaa bishii november sanadkii 2015-kii ku heshiiyey in saldhigyo waa weyn ay ka sameystaan wadamo ay kamid tahay Soomaaliya si wax looga qabto isla markaana loo yareeyo weerarada halista ah ee ay Al-shabaab geysanayaan.

Turkiga ayaa soomaaliya soo galay 2011-kii kolkaasi oo ay dalka ka jireen abaaro saameyn aanan wanaagsaneen ku yeeshay koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Waxaana shirkado laga leeyahay Turkiga ay ka howl galaan dalka isla markaana gacanta ku hayo Ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Soomaaliya ee Dekeda iyo Airport-ka muqdisho.

turki2 turki1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here