War Deg Deg ah: Qarax gordhow ka Dhacay Suuqa Xergo-dheere ee degmada kaaraan

0

Wararka inaga soo gaaray degmada kaaraan ee gobolka banaadir ayaa ku waramaya in gordhow halkaasi uu ka dhacay qarax weyn oo sababay dhamsho iyo dhawaaca.

Qaraxa oo si gaar ah kaga dhacay goob lagu iibiyo shaaha islamarkana aheyd dhex bartamka Suuqa-Xergo-dheere ee duleedka  degmada kaaraan ee gobolka banaadir.

Qof goob joogo ah ayaa idaacada simba u sheegay in qaraxa uu aha qarax miino islamarkana uu geystay qasaare isugu jiro dhamasho iyo dhaawac.

Dadka dhintay iyo ku dhawaaca ayaa tiro ahan gaaraya 20 qof oo isgu jira dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidanka minishiibiyada gobolka banaadir.

Suuqa saakay qaraxa uu ka dhacay ayaa ah suuq lagu iibiyo xoolaha nool iyadoona xiliga uu qaraxa dhacayay suuqa uu aha mid mashquul ah.

Wixi Faafaahin dib kala soco

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here