Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in uu ka dhacay banaanbax loogu horjeeday duqeyn diyaarada Mareykanka ay la bartilmaameedsadeen saldhig Ciidamada Galmudug ay ku lahaayeen duleedka Magalaadaas.
Dad aad u fara badan oo watay calanka Dowladda Mareykanka ayaa maanta iskugu soo baxay Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Maamulka Galmudug iyagoo dab qabad siiyay Calanka Mareykanka.
Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee Saldhiga ku leh Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland ay duqeeyeen Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Galmudug sida Mas’uuliyiin ka Tirsan Galmudug ay sheegeen.
Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa sheegay in duqeyn iyo weerar qorshaysan lagu qaaday saldhig Xarakada Al-shabaab ay ku lahaayeen duleedka Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug islamarkaana ay ku dileen 200-askari oo ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab.















