Galmudug oo Soo Bandhigtay Gaadiid Dagaal oo ay Lahaayeen Ciidamada Galmudug oo La Duqeeyay+(DaawoSawirro)

0

Maamulka Galmudug ayaa goordhaweyd Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kusoo bandhigay Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Ciidamada Galmudug ay duqeeyeen diyaaradaha Dowlada Mareykanka.

Gaadiidka  ay soo bandhigeen Maamulka Galmudug oo ay ka muuqato Duqeynta lagu garaacay ayaa askartii saarnaa ay geeriyootay, inkastoo Galmudug ay sheegtay tirada askarta inay gaarayaan ilaa 10-askari oo ahaa kuwii ku sugnaa deegaanka.

Ugu Horeyntii Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Mudane C/raxmaan Maxamed Axmed, ayaa sheegay gaadiidkii ay la socdeen ciidamadaasi in gabi ahaanba ay basbeeleen, kadib markii Duqeymaha lala dhacay, isagoo carabka ku adkeeyay in diyaaradaha duqeeyay gaadiidka ay kasoo kaceen Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland.

1475055732f04e7 1475055743b2260 14750557037f3cb 14750557141c148 147505571929a5c 147505573976e2f 1475055704695b3 1475055727248ed 14750557091666a 147505570196320

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here