Ala ha U Naxariistee Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo shalay lagu dilay Xaafada Jiiro Garoob ee degmada Yaaqshid ayaa maanta lagu aasay Khabuuraha Iskuul Polizio Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Aaska Marxuum C/casiis Maxamed Cali Xaaji waxaa ka qeyb galay Ehelada Marxuumka, Suxufiyiin aad u fara badan iyo sidoo kale xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu Horeyntii Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu oo aaska kadib suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay in ysan joogsan doonin howlaha Warbaahinta isagoo ugu baaqay dowladda Soomaliya in ay gacanta kusoo dhigto ragii ka dambeeyay dilka Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/fitaax Cumar Xalane oo aaska ka qeyb galay ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan ka maamul ahaan in ay gacanta kusoo dhigaan ragii ka dambeeyay dilka C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle.









