Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo Lagu Aasay Khabuuraha Iskuul Polizio Degmada Xamar Jajab+Sawirro

0

Ala ha U Naxariistee Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo shalay lagu dilay Xaafada Jiiro Garoob ee degmada Yaaqshid ayaa maanta lagu aasay Khabuuraha Iskuul Polizio Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Aaska Marxuum C/casiis Maxamed Cali Xaaji waxaa ka qeyb galay Ehelada Marxuumka, Suxufiyiin aad u fara badan iyo sidoo kale xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu Horeyntii Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu  oo aaska kadib suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay in ysan joogsan doonin howlaha Warbaahinta isagoo ugu baaqay dowladda Soomaliya in ay gacanta kusoo dhigto ragii ka dambeeyay dilka Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/fitaax Cumar Xalane oo aaska ka qeyb galay ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan ka maamul ahaan in ay gacanta kusoo dhigaan ragii ka dambeeyay dilka C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa shaqaalaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

14448849_1000344893424693_7525848197615094905_n 14484889_1000344706758045_6462674655044958498_n-1 14484889_1000344706758045_6462674655044958498_n 14492342_1000344550091394_438429289647013822_n 14502856_1000344613424721_8852450960842894039_n 14517638_1000344286758087_8878068041592835765_n 14517645_1000344383424744_6568532757974483751_n 14519683_1000345053424677_4288371134254347237_n

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here