Ku dhawaad Inta la xaqiijiyay 10-ruux oo u badan maleeshiyaad kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku dhintay kadib dagaal Saakay ka bilowday Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Dagaalkaan ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay deegaanka Jeexdin oo ku yaal duleedka dhanka Bari ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waana meel u dhow Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Puntland.
Ilaa hada lama ogo waxa uu salka ku hayo dagaalkaan ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug balse waxaa xusid mudan in deegaanka Jeexdin oo ku yaala duleedka dhanka Bari ee Magaalada Gaalkacyo bishii aynu soo dhaafnay ay ku dagaalameen maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Wixii kusoo kordha warkaan waan idin soo Gudbin doonaa insha alaah

