Yabooh:- Xubno ka Tirsan Al-shabaab ayaa Lagu Qabtay Howlgal Laga Sameeyay Suuqa Bakaaraha+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaliya ayaa Faah-faahin ka bixiyay Howlgal qorshaysnaa oo Saakay  laga fuliyay  Gudaha Suuqa Bakaaraha  ee  Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed diiriye (Yabooh) oo warbaahinta la hadlay markuu soo dhamaaday howlgalka ayaa sheegay in Howlgalka ay si wadajir ah ay  u fuliyeen Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom islamarkaana lagu qabtay dad ay Laamaha amaanka bartilmaameedsanayeen.

“Howlgalkaan waxa uu ahaa Howlgal amniga Suuqa Bakaaraha Loogu kuur galayay islamarkaana lagu sugaayay  amaanka Suuqa, howlgalkaan   waxa uu qeyb ka ahaa howlgalada ka socda Magaalada Muqdisho oo maalinba meel la tagaayay, waxaa jiro meelo si gaar ah loo baaray oo lagu tuhunsanaa in ay ku sugnaayeen shaqsiyaad bartilmaameeed ahaa”, ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir  ayaa kaga mahadceliyay shacabka Soomaliyeed  ee usoo shaqa tagi jirey  Gudaha Suuqa Bakaaraha  ee Magaalada Muqdisho sida ay dulqaadka u muujiyeen intuu Howlgalka Socda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here