Howlgal baaritaan ahaa oo saakay ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa goor sii horeysay lasoo gaba-gabeeyay waxaana soo baxaya in howlgalka lagu qabtay Shan ruux oo Bartilmaameed ahaa.
Howlgalkaan ayaa si gaar ah waxaa uu kaga socday Gudaha Suuqa Bakaaraha iyo wadooyinka soo gala waxayna dadka saakay ay kusoo waa bariisteen Gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Midowga afrika AMISOM iyo kuwa dowladda soomaliya oo yaala hareeraha Wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed inay gacanta ku dhigeen Shan ruux oo bartilmaameedka howlgalka ahaa, kuwaasi oo laga soo dhex qabtay Gudaha Suuqa Bakaaraha.
Shanta Ruux ee ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen, ayaa waxaa loo kaxeeyay Xarumaha Baarista ee NISA Magaalada ay ku leedahay si baaritaano dheeri ah loo marsiiyo, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha NISA.
Isku socodka dadka iyo gaadiidka wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha ayaa dib loo furey, Saraakiisha Nabad Suggida Somaliya weli faah-faahin rasmi ah kama aysan bixin dadka Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

