Shirka Maamul Usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Loosoo Wareejinaayo Magaalada Muqdisho

0

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dadban Cumar Maxamed Cabdulle (Dhagey) ayaa Shaaciyay in kulamo iyo Wadatashi ay la yeesheen  Odayaasha oo soo Xulaya Xildhibaana Matalaya Gobalada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ee Baarlamaanka Cusub Soomaaliya ay isku raaceen in Shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo soo wareejiyo Magaalada Muqdisho si looga Gudbo Khilaafka Ragaadiyey Dhismaha Maamulkaasi.

Abuukaate Cumar Dhagey  ayaa rajo ka muujiyey in xal rasmi  laga gaaro  Muranka iyo wax tabashada ka jirta Shirka Magaalada Jowhar waxa uuna intaa ku sii daray  in la isku Afgartay in Odayaasha Labada Gobal loo daayo inay qeyb sadaan Xubna ugu sareeyaa Maamulka iyo Halka Caasimada looga Dhigayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“GFHDD iyo GDGHDD ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay isugu yeereen madax dhaqameedyada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu jira 135 ta madax dhaqameed si ay ugala tashadaan goobta doorasha ee labada gobol. Wada hadal dheer kadib, 16 ka mid ah 18ka madax dhaqameed ee labada gobol waxay isku raaceen in doorashada labadaas gobol ay ka dhacdo caasimadda Muqdisho. GFHDD isagoo tixgelinaya go’aanka odayaasha waxay soo dhaweeyeen is afgaradka odayaasha labada gobol ee ku taariikheysan 25/09/16”, ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkii shalay kasoo baxay Gudiga Doorashooyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here