Madaxweynaha Soomaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Dalka Talyaaniga

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga soomaliya u fadhin doona Carlo  Campalina kaasi oo badalaya safiirkii hore ee Jamhuuriyadda dalka Talyaaniga u fadhiyay wadanka Soomaliya.

Madaxweynaha iyo  safiirka ayaa kulan wada qaatay, waxaana kala qeyb-galay wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, mudane Axmed Cali Kadiye, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa, maadaama dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir taariikhi ah, waxaa  la isku soo qaadey  in la ballaariyo taageerada dowladda Talyaaniga oo ay dalka ka fuliyaan maashaariic cusub oo dhanka maalgashiga ah.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal, isagoo isla markaana u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo dhinaca siyaasadda, iskaashiga dhaqaalaha,amniya iyo arrimaha bulshada. Walow iskaashigeena uu hakad galey markii waddankeena uu qalalaase galey, hadana waxaan rajeynayaa in Talyaaniga uu door weyn ka cayaari karo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Waxaan leenahay kheyraad isugu jira xoolaha nool, beeraha, kaluumeysiga, shidaalka iyo macdan kala duwan. Si dhaqaalaha sare loogu qaado, ugana faa’ideystaan dhalinyarada, waxaan u baahanahay maalgashi iyo iskaashi aan ku horumarino kheyraadkaasi’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in kulanka waxyaabaha looga hadlay ay ugu muhiimsaneyd in safiirka cusub  shaqadiisa lagu gacan siiyo dowladda Talyaanigana ay sii waddo ka qeyb-galka horumarka Soomaaliya.

Danjire Carlo  Campalina, Danjiraha cusub ee dowladda Talyaaniga u soo dirtay Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshiisa Soomaaliya, mahad ballaaranna uu u hayo, madaxweynaha dowladdiisa iyo shacabkiisa, dhowaanna uu bilaabi doono howlgalkiisa ku aaddan horumarinta iyo taageeridda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here