Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta soo saaray jadwal cusub oo ku saabsan doorashooyinka, kadib markii uu fashilmay jadwalkii horay u soo saareen, kaasoo dib u dhac uu ku yimid waqtigii la filayay inay doorashooyinka ku dhacaan.
War saxaafadeed Guddiga doorashooyinka goor dhow soo saaray ayaa lagu sheegay in shir socday saddex maalmood uu u soo gaba gaboobay Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka dadban (GFHDD) iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada dowlad goboleedyada ee Hirgelinta doorashooyinka dadban (GDGHDD).
Guddiga ayaa soo bandhigay in 23-ka bisha November ay dhici doonto doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, halka doorashada Madaxweynaha ay dhici doonyo 30 November ee 2016.
Hadaba halkan Hoose ka Akhriso War saxaafadeedka Guddiga doorashooyinka



