Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in 600 Million oo qof in dunida qaxooti ahaan ay ka yihiin mar uu saxafiyiinta kaga warbixinayay arimahaasi kadib kulankii Qaramada Midoobe ee ka qabsoomay Magaalada Newyork Ee Dalka Mareykanka.
Waxaana uu sheegay madaxweyne dalka Kenya in dowlada Kenya ay kamid tahay 19 dal ee marti galiyay qaxootiga ugu badan gaar ahaan xerada Dhadaab oo ah tan Ugu weyn dalkaasi oo bulsho kala duwan ay ku nool yihiin.
Isaga oo tilmaamay in dowlada Kenya ay u tag la’dahay xaalada qaxootiga “Aad baan ugu dhibaato qabnaa qaxootiga dalkeena degen ee Soomaalidu ka mid tahay haddana dunnidu waaa nala aragtay oo nala dareentay” ayuu yiri William Rutto oo Madaxweyne ku xigeen ka ah dalka Kenya.
Waxaana uu ka codsaday dowlada mareykanka in ay caawiso dowladaha qaxootiga marti geliyay sida dowlada Kenya.
Dowlad Kenya ayaa marar badan ku celcelisay in ay dib u celin doonto Qaxootiga ku jira xeryaha ku yaala Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya kadib markii ay sheegtay in yihiin Saldhigyo ay Al-shabaab kasoo Abaabulaan Weerarada ka dhaca Gudaha Dalka Kenya.

